Xildhibaan Joe niguse oo ilaa 2019 kamid ahaa Golaha Xildhibaanada ee ismaamulka Colarado ayaa Guulo wanaagsan Kakeenay adeegga uu Hayo. Joe waa Eriteriyaan-Mareykankii ugu horreeyay taariikhda Congress-ka Mareykanka, tan iyo markii uu shaqada ka bilaabay degmada, magaciisa ayaa kor u kacay, wuxuuna awooday inuu qabsado Afkaarta male-awaalka ee golaha Congress-ka. isaga oo dhawaan ururisay $917 milyan oo shanta sano ee soo socota lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqa dadweynaha ee Colorado. waxaana u suurtagashay in uu helo 54 milyan oo lacagtaas ka mid ah bishii February.Marka loo eego Qiyaasta Qiimaynta Kaabayaasha Bulshada Mareykanka ee Injineerada Madaniga ah, magaalada Colorado waxay heshay qiimeyn ku saleysan cilladaha kaabayaasha ee “C”. Joe wuxuu kala shaqeeyaa maamulada deegaanka si loo u hagaajiyo dhibaatada darada islamarkaana loo xaliyo arintan.
Joe “Waxaan taageeray sharciga kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada xisbi, aniga oo la hadlay madax hore oo wadamo kakala duwan, maayerada badhasaabyada gobollada iyo komishanada gudaha magaalooyinka ay dawladda federaalku ka gaabistay in ay muddo tobanaan sano ah ka dhisto kaabayaasha dhaqaale.
dhammaadkii doodda, “Colorado waxaa loo doortay inay noqoto tii horreysay ee heshay lacag dhan 917 milyan oo doolar oo loogu talagalay kaabayaasha”ayuu yidhi. Wuxuuna taxay dhowr sababood oo gaadiidka dadweynaha ee gudbinta Degdegga ah ee Qaranku gudaha Ameerika faa’iido muhiim ah ugu leeyahay. Sababaha uu Joe sheegay waxaa ka mid ah yaraynta dikhowga hawada iyo ciriiriga gaadiidka waddooyinka.
Lacagaha loo ururiyo kabitaanka waaxda gaadiidka ayaa loo isticmaali doonaa in lagu dhiso basaska gaadiidka dadweynaha ee cusub, gaadiidka tareenada iyo goobaha dayactirka baabuurta, dayactirka tareenada burburay, basaska gaadiidka dadweynaha ee xamuulka qaada iyo kaabayaasha xarumaha gaadiidka, iyadoo lafilayo inay horseedi doontaa hormarinta shaqooyinka. waxayna Hawshani kor u qaadi doonta in qaybaha bulshada awoodoodu hoosayso iyo kuwa laxaadka la’, iyadoo u sahlaysa inay helaan kaabayaal u haboon.
Joe Niguse ayaa ahmiyad wayn ka helay shakhsiyaadka muhiimka ah ee Washington, isagoo hormuud u ahaa horumarinta arrimaha gaadiidka ee gobolka. Sannadkii 2019, waxaa loo doortay inuu ku shaqeeyo iskuduwadi arrimaha wakiilada cusub ahna hoggaanka golaha. Isagoo 2020 loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Dimuqraadiga iyo Isgaarsiinta 2020. Intaa waxaa dheer, Nancy Pelosi waxaa 2021,loo magacaabay inuu noqdo maareeyaha kiisas maxkamadda ee dacwadda xil ka qaadista labaad ee Trump. Joe waxa uu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku saabsan qiyamka Maraykanka iyo muhiimada ay labada xisbi u leedahay xil ka qaadista Trump.
Joe niguse wuxuu dhisay sumcad adag sanadkii afraad ee uu xafiiska joogay.halka uu isagoo 37 sano jir ah hadiiba guulo soo hoyiyay,Haddana Joe wuxuu sii wadaa ka shaqeynaynta dadaalo uu xirfadiisa siyaasadeed ku horumariyo.