Dadka xanuunka Macaanka ama sonkorta Qaba waa in ay xakameeyaan heerka dhaq dhaqaaqa Macaanka Xubnahooda,Hase ahaate waxaa muhiim ah inay ogaadaan in ay Faa’iido leedahay iyo inaysan lahayn Sonkarta gacan kusamayska ah ee dadka Macaan qaba loo soo bandhigay.
Inkastoo ay tahay in walxaha macaan ee Gacan kusamayska ee dadka macaanka qaba loo sameeyey ay tahay in lagu hayo meel qaboow islamarkaana ay dadka xanuunka qaba kacaawiyaan heer kul gaadhaya ” A1-C “, Haddana qaar kamid ah ayaa keeni karo kor u kac beer subag/clostrol, Halis kansar iyo caqabado kale oo caafimaad.
Sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan kajawaabno, su’aasha odhanaysa waa Maxay faa’iidada iyo waxyeelada macaanka gacan kusamayska ah ee dadka macaanka qaba?
Wakaalada Xakamaynta Cuntada iyo daawooyinka Maraykanka ayaa sidan soosocota u fasaxday Wlxaha macaanka gacan kusamayska ah ee ay Calory-ga yar kujirto:-
Dhanka Faa’iidada
Stevia Waa curiye aan wax Calory ah lahayn oo laga sameeyey geed layidhaahdo Stevia rebawdian oo macaan iyo udgoon wanaagsan leh. Sida ay Wakaalada Xakamaynta Cuntada iyo daawooyinka Maraykanku cadaysay in midhahani walxaha Macaanka/Sonkorta Dabiiciga ah ay ka macaan tahay 300 oo jeer, waxayna Wakaaladu sheegtay inay tahay in Halkii Kiloo garam oo Culayska jidhka qofka ah uu u baahan yahay Kiloo garam oo stevia ah.sidookale Miraha Tagtoos ayaa la aaminsan yahay in waxwayn u tarayso dadka Diabetes 2 qaba.
Walaxdan Macaan oo ladagaalanta Culayska badan ee jirka, ayaa haddana gacan kagaysata kor u kaca Hab-cunteedka looyaqaan ” Glycemic index”ee
Kobciya rabitaanka dadka Macaanka leh ee ay kuyartahay Hab dheefsiga ” Glycemic index”. Intabadan waxaa xiliyada kulaylaha isbadala Dhadhanka iyo Urta walxaha Macaanka dad Sameega, laakiin maadaama aysan Macal Xiliga kulaylaha aysan dhadhanka iyo Urta Walxaha Sucralos iyo Niotamy isbadalin waxaa dadka Macaanka lanool u fiican inay cunida Sucralos iyo Niotamy kujiraan.Halkii kilogram oo jidhka aadamaha ahna wuxuu qaadan karaan Maalinti-ba,5 KG oo Sucralos ah Halka ay Aaladani 600 jeer macaanka ama Sonkorta Caadiga ah kamacaan tahay.
Sidookale waxaa la isku raacsan yahay in Walaxda “Aspartame” oo Waxkasta oo Macaan 200 oo jeer kamacaan, ayaa ah mid la xaqiijiyey Badqabka “asulfame”-ka iyo potasium-ka kujira,waxaa haboon in Halkii KG oo culayska jidhkeena ah aan Maalintiiba u qaadano 15 KG oo Aspartame ah. Waxaa isagu Jira Walaxda macaan ee Sacrine ayaa isna ah walax ay wax yar oo Calory ah kujirto, islamarkaana Sonkorta Caadiga ah 200 ilaa 700 oo jeer ka macaan. Waxayna Culimada Caafimaadku kutaliyaan in Maalintii-ba uu Halkii KG oo jidhkeena ahi, u baahan yahay 15 KG oo “Sacrine” ah.
Wax yeelooyinka
Waxaa la xaqiijiyey in Miraha Curiyaha “Aspartame” ay ku jiraan qaar ka mid ah Walxaha amino acid, aspartic acid, phenylalanine iyo xaddi yar oo ethanol ah.
Inkastoo uu macaankan Faa’iidooyin badan uleeyahay xanuunka baabi’inta iyo dhimista daalka Xubnaha Jidhka ee Qofka,Haddana waxaa lagu muransan yahay saameynta Taban ee ay Caafimaadka aadamaha kuleeyahay. Calaamadaha xasaasiyadda ee sida bararka iyo cuncunka Jidhka ee lagu arkay qaar ka mid ah shakhsiyaadka cunay macaankan.
Waxaa intaa dheer oo muran badan dhalisay Saamayta taban ee uu Caafimaadka kuyeeshay. Daraasad ku saabsan macaaneeyahan ayaa sidookale muujisay in caabuq iyo calaamadaha xasaasiyadda oo lagu arkay si degdeg ah uga falcelinaya Halista uu ku keenay.
Si kastaba ha ahaatee, lama garanayo maadada aspartame ee ay tahay tan xasaasiyada sababta.Saccharin waa macaaneeye macmal ah oo ay marki ugu horreeysay Cilmi baarayaasha Remsen iyo Fahlberg Sanadi 1879kii sameeyeen.
Si kastaba ha ahaatee, daraasad lagu sameeyay maadadan macaanka bedelaya sonkorta dabiiciga ah, ayaa muujisay in macaankan dadsameegu uu miisaan korodh keeno. Daraasad kale oo Jiirka shaybaadh lagu sameeyay jiirka, ayaa lagu ogaaday in macaaneeyaha saccharin uu sababay kansarka kaadiheysta, iyadoo Sanadii 1977dii Suuqyada Mareykanka iyo Kanada laga mamnuucay. Hase yeeshe, Madaama aan Xog Buuxda oo si fiican uga jawaabaysa inay Maadaddan si isku mid ah u samayso Aadamaha? Waxa ay dib ugu soo noqotay suuqyada wadamadas.
Khatarta Kansarka: Inkasta oo Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka ay oggolaadeen isticmaalka suraclos, waxaa la muujiyay in ay sababto burooyin xun oo ku jira jiirarka shaybaarka. Buradani waa kansar xun oo ku fida qaybaha kale ee jidhka.
Si kastaba ha ahaatee, daraasaddu waxay muujisay saamayntan oo kaliya ee jiirarka. Waa la ogol yahay in loo bixiyo beddelka sonkorta maadaama aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya inay dhibaato u geysato aadanaha. Si kastaba ha ahaatee, isticmaalayaashu waa inay isha ku hayaan daraasado cusub oo si isku mid ah u shaqeeya ka hor inta aan la isticmaalin doorashadan.
Khatarta Kansarka
inkastoo ay wakaalada Xakamaynta cunnada iyo daawooyinka Maraykan ogolaatay Maadada Suraclos, Daraasaadka shaybaadhka jiir lagu sameeyey ayaa lagu xaqiijiyey inay maadada buro dhaliso,taasoo qaybaha kale ee jidhka dadka kansar adag kudhalisa.hase ahaate daraasadkan ayaa lasheegay in jiir kaliya lagusameeyey islamarkaana aan ilaa hadda la arag dad ay waxyeelaysay, waxaana larumaysan yahay in dadka maadadan isticmaali ay tahay in ay daraasaadyo cusub kusameeyaan.
Kor ukaca Culayska
Waxaa intbadan lagu murransan yahay Maadada Potasium ee Curiyaha Assulfame ay culayska jidhka kordhiso.daraasaad shaybaadhka Jiirka lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in maadadan culayska kordhiso, Halka daraasaadkan cadeeyey in dadka maadadan isticmaala ay kukorodho baahida cuntooyinka Nafaqada leh, taasi oo Culayska Kordhisa. Sidookale shaybaadhka ayaa lagu xaqiijiyey in maadadan ay 36% kujirto Walaxda lemetaibolic syndrome oo Wadno xanuun sare horseeda.halka ay 67% ay dareenka kiciso.
Sidookale dadka Stevia-yaha isticmaala ayaa lagu arkay Lalabo, Dibiro iyo Calool xanuun badan, Halka dadka Tagtos isticmaalana lagu arkay Lalabo, Dibiro iyo Shuban. Shirkadaha Qaar ayaa si ay udhimaan Kharaarka Stevia-yaha kujira, waxay kudaraan Waxyaro Sonkar ah, taasi oo Kor uqaada Clory-ga stevia-ha kujirta oo Faa’iidadi Stevia meeshasaartay.
Xalka Wanaagsan
Waxaan haboon in Qudaarta lagu daro waxyaabaha kale ee dabiici ah.si aan Cuntada iyo cabitaanka u macaanayno ;waxaan kaloo awoodna in aan Cuntada iyo cabitaan kudhex darno Muus, Liin macaan iyo geed midhoodyada kale ee Macaan.waxaana wanaagsan inaan Malabka aad u isticmaalo, Maadaama uu Malabku qoyaan jilicsan leeyahay islamarkaana ay kujiraan Walxaha caafimaadka u roon ee “Sugar calory”.sidookale Malabka waxaa kujira Curiyaal, Feetimiino iyo walxo kale oo aan Heer kulka Jidhka kicin.waxaana Larumaysan yahay in cunooyinka ay walxaha heer-kulayka dhima, ay ka hortagaan wadne xanuunka iyo Xanuunada Kansarka.Hase ahaate, waxaa loobaahan yahay inay dadka Macaanka qaba kataxadaraan inaysan si Xad dhaaf ah u isticmaalin Malabka, Maadaama uu Macaanka ama sonkarta Malabka kujirta ay la dagaalami karto Sonkarta dhiiga Qofka Kujirta.