Koobka Adduunka ee sanadkan, shan wadan ayaa Afrika. Ku matali doona Xulka ugu sareeya liiskana waa Senegal oo markii labaad si isdaba joog ah uga soo muuqda. Iyadoo Ciyaariyahanka Afrika ugu wanaagsan ee Sadio Mané uu u safan yahay, Senegal fursad ma u haysataa inay ku qaado koobka?
Ilaa hadda, ma jirto koox Afrikaan ah oo weligeed kuguuleysatay koobka tan iyo markii tartanka Koobka Adduunka 1930kii la bilaabay. Laakiin muddo dheer ayaa laga joogaa tan iyo markii ay kooxda qaranku sheegatay inay haysato mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa ee taariikhda abid Afrika lagu arko.
30 jirkan Mané ayaa Senegal u horseeday inay ku guulaysiga koobka Afrika ee 2021. Hase ahaate, waxa uu jabinayay rikoodh caalamiya ka hor inta uusan xulkiisu koobka ku guuleysan.
Sannadkii 2015, Mané wuxuu ahaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee abid saddex gool ka dhaliya Aston Villa wax ka yar saddex daqiiqo gudaheed. Waxa uu weli haystaa rikoorka dhalinta sedexleyda ugu dhaqsaha badan (wuxuu dhaliyay seddex gool) taariikhda Premier League.
Liverpool ayaa u horseeday inuu ka soo muuqato finalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii 2018 iyo 2019. Liverpool ayaa guuldarro kala kulantay real madrid 2018. Balse 2019 ayey dhirbaxo kudhufatay kooxda toteham hotspur ee sanadkii 2019. Isla sanadkaas 2019 sadio mane ayaa gaadhay rikoodhka pierre-Emeeic Aubameyang, halka Maxamad Salah goolasha ugu badan ee Premier League laga dhaliyay.
Sidookale, Mané halkaas kuma joogsan. Koobkii Afrika ee 2021 (kaas oo runtii dib u dhacay oo la ciyaaray January/Febraayo 2022), Mané wuxuu xulka qaranka Senagalku hogaamiyay ilaa ciyaartii kama dambaysta ee horyaalka Masar, waxa uuna wajihi lahaa xiddiga kale ee Afrika ee Maxamed Salah.
Ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen Equatorial Guinea wareega 8da iyo Burkina Faso 3-1 semi-finalka, Senegal waxay la soo baxday Masar oo ah waddan kaliya ee taariikhda abid 7 jeer ku guuleystay Koobka Afrika, halka Senegal aysan waligood ku guuleysan. Laakin Koobkan qaramada Afrika ayaa ka yara duwanaa koobabki hore. Dhacdadiisa ugu weyna, waxay ahayd Mané iyo Mo oo fooda isdaray. Iyadoo maxamed ugu dambaystii iskuxaabsaday.
Dhammaadkii ciyaartana waxay ku kala nasteen 0-0. Hase ahaate, Waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray, Mane wuxuu dhaliyay gool ku laad, Senegal ayaana 4-2 kaga badisay Masar. Mane ayaa loo magacaabay cayaaryahanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON) isagoo wadar ahaan shabaqa taabsiiyay saddex gool iyo labo caawin. Waxaana hubaal ah in tani ay siisay isaga iyo Senegal dardargelinta ay u baahan yihiin marka ay isu diyaarinayaan Qatar.
“Waxaan ku guuleystay Champions League iyo koobab kale laakiin tani waa mid iigaar ah aniga,” Mané ayaa yiri, ka dib markii uu ka adkaaday Masar. “Tani aad ayey muhiim iigu tahay aniga.”
Si ay ugu soo baxdo, Senegal waxay wajahday Masar ciyaartii ugu dambeysay ee isreebreebka Koobka Adduunka dabayaaqadii bishii March. Markale ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro (1-1 markan), waxayna Sengal rigoorayaal 3-1 ah kaga badisay Masar.
Si aan dardartan xawligan ugu sii wadno Qatar, ma aha Senegal oo kaliya cidda aad uga fikiraysa nafteeda. “Senegal, aniga ahaan, waa mid ka mid ah kuwa ugu cadcad Koobka Adduunka,” ayuu yiri Frank Leboeuf, oo u ciyaaray Faransiiska 1998 markii ay Brazil uga adkaadeen koobkii adduunka. “Xaqiiqdii waxaan qabaa inay ku guuleysan karaan Koobka Adduunka.” ayuu raaciyey.
Faalada Leboeuf waxaa ku celceliyay Aliou Cissé, oo ah maareeyaha xulka qaranka Senegal. “Marka aad ku guulaysato AFCON, waa inaad taqaanaa sida loola ciyaaro kulamada soo socda,” Cissé ayaa yidhi. “Xitaa waan kasii ficnaan doonaa sidan marka latago Qatar. 2018 [Koobka Adduunka], waxa nalagu reebay heerka group-yada – maanta waanu ka gudubnay taas.”
In kasta oo Senegal laga yaabo inay noqoto xulka ugu fiican Afrika isla markaana ay haysato fursadii ugu fiicnayd ee ay ku qaadi lahayd koobka addunka sanadkan marka loo eego koobabkii adduunka ee hore, haddana waxa jira liis dheer oo xulal ah oo tartanka uga horreeya Senegal. 2021, FIFA ayaa Senegal ka dhigtay kooxda 20-aad ee ugu fiican adduunka. Yasa yeeshe 2022, waxay kor ugu kacday laba dhibcood oo ay kaalinta 18-aad ee ugu wanaagsan kusoo gashay.
Marka laga soo tago Senegal, dalalka kale ee Afrikaanka ah ee ku tartamaya Koobka Adduunka waa Morocco, Tunisia, Cameroon, iyo Ghana. Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee Ghana ay kasoo muuqato Koobka Adduunka.
Dhanka Mané, sanadkan ma fursadiisi ugu dambeysay ee hanashada koobka aduunka? Cagwareejiska Mane iyo xawaarihiisa waa kuwo cajiib ah. Laakiin markii uu soddon jirsaday, waxa laga yaabaa in ay noqoto koobkii adduunka ee ugu dambeeyay ee uu xiliyadiisa ugu cajiibsana kaqayb galayo, maadaama laga yaabo in aanu awoodi doonin in uu sidan oo kale sameeyo, marka uu gaaro da’da 34jirka ee koobkii adduunka ee 2026 lagu qabanayo U.S.A.
In kasta oo Senegal ay u soo baxday afar dhammaadka 2002, oo ah heerkii ugu foga ee ay abid gaarto Koobka Adduunka, haddana sannadkan waxa uu u muuqdaa sannadkii Senegal ay ugu wanaagsanayd. Waxaana culeyska masuuliyada inteeda badan qaadi doona Mané, maadama uu yahay xidiga xulkiisa indhuhuna aad uhayaan.