Horn Magazine
Tuesday, May 13, 2025
  • Home
  • National
  • World
  • Finance
  • Community News
  • Education
  • Sports
  • Health
No Result
View All Result
  • Home
  • National
  • World
  • Finance
  • Community News
  • Education
  • Sports
  • Health
No Result
View All Result
Horn Magazine
No Result
View All Result

Home » Sargaalkii hore ee Booliska Maxamed nuur ayaa Xabsiga laga siidaayey

Sargaalkii hore ee Booliska Maxamed nuur ayaa Xabsiga laga siidaayey

July 27, 2022
in Qaran
4 min read
Former Police Officer, Mohamed Noor, Released from Prison
ShareSharePin

Iyadoo Sargaal hore oo Madow soomali Maraykan ah Maxamed nuur oo dil lagu eedeyey lagu xukumay 12 Sano oo Xadhig ah ayaa Gabadh iyadunq Sargaal boolis oo cadaan ah oo si lamid iyadana lagu eedeyey Fal dambiyeed dil lagu xukumay 2 Sano oo Xadhig ah.

11kii April ee 2021ayay ahayd Markii ay Sargaal Booliska Miliniyamka Maraykanka katirsan oo layidhaahdo Kim potter ay 20 jir madow ah oo lagu magaacabo daunt Right ay Xarunta Amniga jidadka oo uu kusugna Xabado isdaba jooga kudishay.Hase ahaate gacan kudhiig laha 20 jirka madow dishay ayaa Todobaadyo kahor lagu xukumay kaliya 2 sano oo Xarig ah.

Waxaase yaab iyo Amakaag noqotay, in sargaalki Hore oo Booliska Miliniyamka Maraykanka katirsana oo Somaali Marayka ah oo isna si lamid ah loogu eedeeyay in Julay 15/2017 Uu Xabad kudilay Haweeney lagu magacaabo Justine Ruszczyk Damond in lagu riday 12 sano oo Xarig ah.Hase ahaate, Justin oo ahayd Gabar cadaan ah oo tiro Khafiif ahoo Jaalle ah leh ayaan u ekayn Wiilka Madowga ah ee Sargaal Cadaanka ahi dishay ee Daunt.

Geesta kale, kim pater ayaa la sheegay in Markii Gaadhiga laydhka Taraafikada garab dhigaysay ay Tababar siinaysay xubno boolis cusub ah. Waxayna Kim sheegtay inay daunt  Xabad ugu furtay Maadaama uu gadaal uga durkay Markii ay damacday inay gacanta kaxirto oo kaliya. waxayna Sargaalkani ku dacwootay inay doonaysay inay kudhufato Qalabka awooda tamarta ee qofka dhima oo “Teezer” layidhaahdo ee aysan doonayn inay Bastoolada lasoo baxdo.

Hase ahaate, Booliska Maraykanka ayaa waxaa u dajisan in Teezerka iyo Bostoolada ay labada miskood ku kala qaataan. laakiin gabar kale oo iyadu boolisnimada kucusbay ayaa cadaysay garawsanayd in hubka iyo tezerka labada miskood lagu kala qaato, Halka ay Kim oo 26 jir ku andacootay inay Xeerkaasi ay iloowsanayd. Waxayna sheegtay in ay bastoolada lasoo baxday iyadoo “teezer” moodaysan islamarkaana ay daunt Xabado nool kudishay. Waxayna Kim sheegtay in cabsidi ay Wiilka daunt kaqabtay ay u horseeday  Shalayto, murugo iyo naxdin badan oo lamid Tii kudhacday sargaalkii hore ee Maxamed nur.

Waxay ahayd July 15, 2017 markii uu Maxamed ka jawaabay wacitaanka degdega ah ee 911 ee Justin.  Waxay u wacday si ay uga warbixiso buuqa ay ka maqashay gadaasha dambe ee gurigeeda, iyadoo u malaynaysa inuu yahay faraxumayn.

Muxammad ayaa goobta aaday  isaga iyo saaxiibkiis Mathew Harity.  Waxa uu Matthew maxkamada ka sheegay in markii uu goobta ku sugnaa uu ka baqay dhawaqa gaariga ay Justin kicisay. Waqtigaas ayay ahayd markii uu Maxamed maqlay saaxiibkiis Mathew  oo leh, “Ilaahayow.”  Mudadan dhexdeeda ayay Justine gacanta taagtay, Maxamedd Nuurna isla markiiba wuxuu ku qasbanaaday in uu ka bixiyo.Falka degdega ah oo dareenkk ay Kim Pater kujirtay la mid ah.

Sidookale sida uu muujinayso sawirka dharka Kim laga helay ee dilka Daunt kusaabsan, kadib markii ay Xabada kudhufatay ayey qayliday oo Alla “Waan ku dhuftay” si lamid ah ayuu Markii uu Maxamed kusoo dhawaaday Justin baadhis kujirtay ayuu isna inuu Khalad sameeyey uu dareemay.isla markaas ayay ahayd markii aan ogaaday in aan qaldanahay.”  ayuu yidhi.

sida ay khalad u ahayd in la dilo Duant, ayey khalad u ahayd in la dilo Justin.  Hadaba, Hadii aan isku raacno in falka labada sarkaal uu ahaa mid aan sax ahayn, maxaa kiim loo siiyay go’aan ka duwan kii hore?

February 18, 2022, maxkamadda Minneapolis waxay ku xukuntay Kim laba sano, laakiin macnaheedu maaha inay xabsiga kujiri doonto 24 bilood.Hase ahaate,  Waxa laga sii dayn doonaa ka dib marka ay 16 bilood xabsiga ku jirto iyada oo dibada lagu ilaalinayo.

Daunt hooyadi, Katie Wright, ayaa  garsooraha weydiisatay in gacan-ku-dhiiglaha wiilkeeda lagu xukumo ciqaab adag po xukun, laakiin way ka naxday xukunka kulidka ah. Waxa Katie Kim aad uga walaacsan tahay ma ahayn toogashada wiilka, laakiin waa shaqadeeda iyo mustaqbalkeeda. Waxaan isdhaha “Waxaad xumaysay riyadii Duant” ayay tidhi.

hooyadii Wright oo aad uga xumaatay go’aanka garsoorka ayaa tiri: “Kim Potter waxay 11ki April ayey wiilkeyga dishay.”  Maantana waxa mar kale lagu dulmiyey nidaamkii cadaaladda go’aankiisii”.  ayay tidhi

Dhinaca kale, garsoore Regina ayaa kiiskan barbar dhigay dilkii George Floyd.  “Tani maaha sarkaal booliis ah oo jilibka qoorta uga qabtay oo sagaal ilbiriqsi iyo badh ku taagnaa si uusan u neefsan dhibbanuhu, laakiin waa dambi uu si qalad ah u galay.”  ayuu yidhi.

Iyadoo garsoorku uu dambiga Kim barbar dhigay kii dilkii George Floyd, ayey qoyska Maxamed ay barbar dhigayaan xukunka Kim iyo Maxamedka xabsiga kujira.

Haddii labada eedaysane labaduba ay si qalad ah u dileen, xukunka lagu riday ma muujinayo go’aan siman .  Maxamed dambigii uu galay waxaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah.

Maxamed ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee bilays ah oo Minnesota ah oo dil toogto gaysta, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo. laakiin waxaa yaab leh in dhacdadan sanad ka hor 2016 uu sarkaalka  booliska ah ee Jeronimo Yanez uu toogtay oo dilay Philando Castile.  Philando ayaa gaadhi ku wadatay saaxiibtiis markii askarigu joojiyay. isagoo taliye Jeronimo u sheegay Castile inuusan bastoolada labixin.

Jeronimo ayaa shan maalmood gudahood lagu sii daayay isagoo dhammaan eedeymaha ka madax banaan. Nasiib wanaag, qareennada Maxamed ma joojin u doodista Maxammed.  Dacwad ooge Peter Wold ayaa yiri: “Ma jirto wax su’aal ah oo kataagan in Nuur uu ilbiriqsiyo Walaac ah galay oo uu cabsi darteed ku toogtay Marwo Justine.”  ayuu yidhi.

Qareenka kale oo difaacaya, Thomas Plunkett, ayaa yiri: “Waan ka xunnahay in maxkamaddu ay Maxamed ku xukuntay 150 bilood oo xarig ah.  Waxaan ilaalinaa hababka loo baahan yahay in la sameeyo.  Waxaan sii wadaynaa inaan u istaagno Maxamed Nuur.”  ayuu yidhi.

Dadaalka aan kalago’a lahayn ee qareennada Maxamed  iyo waraaqaha badan ee maxkamadda loo diray si ay Maxamed u taageeraan, waxay sababtay in Oktoobar 2021, ay maxkamadda sare ee qaranku ay laasho xukunkii Maxamed ee  darajada saddexaad ee dilka.

Kadib waxaa lagu xukumay wax ka yar shan sano oo xarig ah.  Waxay u badan tahay in la sii dayn doono xagaagan haddii uu mudada xabsiga  dhameysto. In kasta oo Maxkamadda Sare ay yaraysay xukunka Maxamed, haddana isla kiiskii Kim waxa lagu xukumay laba sano oo xadhig ah, halka isaga lagu xukumay 12 sano iyo badh, taas oo su’aal gelinaysa nidaamka caddaaladeed ee maxkamadda.waxaana adag in la qiyaaso in kala-duwaanaanshahan dhinaca cadaaladda ah aanu ka dhalan midab takoor Xubnaha booliiska, balse aan loo sababayn karin oo keliya dembiyada ay galeen.Taasi oo  marar badan la arko, in go’aanada Xukunku kusalaysan yihiin kala duwanaanshaha midabka.Iyadoo ay Khatar tahay in la yiraahdo dhibanayaasha waxaa lagu xukumay oo kaliya dambiyada ay galeen.

Related Posts

Zaynab Mohamed Sworn into the Minnesota Senate
Qaran

Saynab Maxamed oo loo dhaariyay in ay kamid noqoto senatka Minnesota

January 13, 2023
Congressman Joe Neguse Brings Home $54 Million in Funding to Colorado
Qaran

Xildhibaan Joe Niguse ayaa sameeyey in $54 milyan oo maalgelin ah ayy hesho Colorado!

August 4, 2022
SWAT Team Kills Amir Locke and Ilhan Omar Introduces a Bill to End No-Knock Warrants
Qaran

Kooxda SWAT ee dishay Amir Locke Iyo Ilhaan Cumar Oo soo bandhigtay Hindise Sharciyeed oo soo Afjaraysa Waaran La’aanta

August 2, 2022
Ilhan Omar’s Receives Death Threat – Frank Pezzuto Sentenced to 15 Months
Qaran

Frank Pezzuto Oo ilhaan Cumar dil kucabsigeliyey ayaa 15 bilood oo xadhig ah lagu xukumay

August 2, 2022
Healthcare habaynta
Qaran

Dib -u -habaynta Daryeelka Caafimaadka Biden

July 7, 2022

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

POPULAR POST

No Content Available
Load More

RECENT POST

Jamal Osman Seeks Minneapolis City Council Re-Election

Jamal Osman Seeks Minneapolis City Council Re-Election

March 8, 2023
Ethiopian

New Direct Flights from Atlanta to Ethiopia

January 25, 2023
Zaynab Mohamed Sworn into the Minnesota Senate

Zaynab Mohamed Sworn into the Minnesota Senate

January 6, 2023
Last African Nation Standing in the World Cup Falls to France

Last African Nation Standing in the World Cup Falls to France

December 19, 2022
Cameroon Defeats Brazil but Fail to Qualify for the Next Round

Cameroon Defeats Brazil but Fail to Qualify for the Next Round

December 13, 2022
Horn Magazine

The Horn Magazine is a U.S. based, online magazine that serves to provide meaningful articles on a variety of subjects that impact your daily lives.

Contact info@hornmagazine.com

CATEGORIES

English                Amharic                 Somali 
National                ብሔራዊ                    Qaran
World                     ዓለም                      Adduunka
Sports                    ስፖርት                   Ciyaaraha
Finance                  ፋይናንስ                 Maaliyadda
Health                    ጤና                       Caafimaadka
Education              ትምህርት                Waxbarasho
Entertainment      መዝናኛ                   Madadaalo

SUBSCRIBE NEWSLETTER

Loading
  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

© 2021 Horn Magazine

No Result
View All Result
  • Home
  • National
  • World
  • Finance
  • Community News
  • Education
  • Sports
  • Health

© 2021 Horn Magazine