Xasaradda Ruushka iyo Yukrayn ayaa saameyn xun ku yeeshay dadka reer Yukrayn ee ka qaxay dalkaas ee malaayiinka qof ah. Iyada oo ku dhawaad 5 milyan ay qaxoonti yihin, taas oo dhaaftay tirada qaxoontigii dagaalkii labaad ee aduunka.
Lakiin halka Yurub aysan arkin in ka badan 75 sano, wadamo badan oo aan Yurub ahayn ayaa arkay wakhtiyadii ugu dambeeyay. Qaar ka midina ay hadda ku dhex jiraan. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Tedros Adhanom, ayaa arrintaas si kulul u tilmaamay.
“Ma jirto meel dhulka ah oo caafimaadka dad malaayiin ahi uu khatar badan ku hayo” Dr. Tedros ayaa yidhi, isaga oo tixraacaya qalalaasaha Itoobiya. “Hadda-dan aynu hadlayno, dad baa gaajo u dhimanaya.” Itoobiya waxa ay ku jirta sanadkii labaad ee dagaal sokeeye oo bahalnimo ah oo ay ku dhinteen malaayiin qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen, kuna caydhoobeen. Dr. Tedros waxa uu tilmaamayaa kala duwanaanshaha qaylo dhaanta dadweynaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee Yukrayn iyo dalalka kale sida Itoobiya, isagoo su’aal ka keenay “in dunidu si isku mid ah u siiso nolosha dadka madow iyo kuwa caddaanka ah.”
24-kii Maarso, Mareykanka ayaa ballan qaaday $1 bilyan oo doollar si loogu caawiyo waddamada Yurub ee qaxoontiga ka qaada Yukrayn. Intaa waxaa dheer, shir qaadhan-uruurin ah, oo dalal dhowr ahi soo ururiyeen $1.5 bilyan doollar oo kale horraantii Abriil si loogu caawiyo hawlaha bini’aadanimo ee Yukrayn iyo dalalka dariska la ah. Shirkaa ka dib, afhayeenka Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric ayaa u sheegay saxafiyiinta “Tani waa mid ka mid ah jawaabaha ugu dhakhsiyaha badan uguna deeqsisan ee baaq rafcaan bini’aadanimo ee waligeed la helo.”
Hal usbuuc ka hor shirka qaadhaan-ururinta, Bishii Maarso 25-keedi, oo ay iska kaashadeen Iswidhen iyo Iswizerlaan, Qaramada Midoobay (UN) waxay qabatay shir ku saabsan dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Yemen. In ka yar saddex meeloodow meel lacagta loo baahnaa oo ahayd $4.3 bilyan ayaa loo ururiyay “dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn adduunka” ee Yemen.
Martin Griffiths, Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UN), ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xafladda ballan-qaadka Yemen. Jan Egeland, Madaxa Golaha qaxoontiga Norway (NRC), ayaa ahaa mid ka yara toosan; Wuxuuna yidhi “Dadka Yemen waxay u baahan yihiin taageero iyo midnimo la laxaad ah ta aynu u aragnay dadka Yukrayn,”
Dr. Tedros, oo asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya, kuma ekaan dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta dalkiisa hooyo. Liiskani waxa uu ku socdaa wadamo badan oo ay dhibaato ka soo gaadhay, welina dhibaataysan, sida Yemen iyo Suuriya. “Waxaan u baah nahay in aan caddeeyo oo aan si daacad ah u sheego in dunidu aanay ula dhaqmin sinjiga bini’aadamka si isku mid ah,” Dr. Tedros ayaa yidhi. “Qaar ayaa laga dhawaystaa kuwa kale.”
In kasta oo jawaabta qalalaasaha Yukrayn ay ka duwanaan karto jawaabta xasaradaha dalalka kale, Smruti Patel, oo ah isuduwaha Isbahaysiga Awood-siinta Iskaashiga (A4EP) ayaa qeexay in aanay ahayn cunsurinimo. “Marka shay kuu dhow yahay ee aad arki karto dareemi kartana, waxay leedahay hab ka duwan oo qalbigaaga taabanaysa, marka loo eego meelaha kale ee aadka kaaga fog,” ayuu yidhi Patel. Sidaa darteed “dheelitir la’aanta Yukrayn maaha mid ay sabab u tahay cunsuriyad saafi ah” ayuu raaciyay.
Laakiin si cad, ayay kuwa kale u khilaafeen, sida Gabriella Waaijman, oo ah agaasimaha bini’aadantinimada caalamiga ah ee Save the Children. “Waxa ay carruurta Yukrayn soo mareen waa wax laga naxo waxayna mudan yihiin in aan taageerno,” Waaijman ayaa tidhi. Laakin waxaa jira caruur meelo kale oo badan oo si isku mid ah dhibaatada u soo martay kana badbaaday duqeymaha iyo barakicinta oo ay wax walba ka tageen. Waxay naga mudan yihiin jacayl iyo wadajir iyana sidoo kale.”
Halka uu Patel diiradda saarayo carruurtan “meelaha fog-fog”, bulshada caalamka ee aan maanta ku noolnahay waxay keenaysaa carruurtaas iyo kuwo kale oo badan oo aad ugu dhow carrigeena, iyadoo aynu aragnay dareenka naxariista leh ee ka soo qulqulaya meelo aad uga fog Yukrayn.