Inkastoo uu Cudurka iloowshuhu uu yahay xanuun cid walba kudhaca, hadana waxaa jira qabab fudud oo looga hortagi karo.
Daraasad lagu daabacay wargays ay soosaarto Akademiyada daraasaadka culuumta caafimaadka Neerfaha ee Maraykanka ayaa soo jeediyay qaab fudud oo ka hortag ah. Wargayska ayaa cadeeyey in Cuntooyinka ka hortagga bararka jidhka ee kamidka yihiin miraha kaladuwan, khudaarta, digirta, kafeega iyo shaaha ay kaa caawin karaan ka hortagga iloowshaha.
Nicholas Scarmeas oo dhakhtar MD ah oo ka tirsan Akademiyada Maraykanka ee Neerfaha islarmakaana Wax kadhiga dugsiga Caafimaadka ee National and Kapodistrian Ee Jaamacadda Athens ee dalka Giriiga ayaa yiri “Cuntadu waa isbeddel hab nololeed oo la sameyn karo. Cuntada iskudheelitiran ayaa caafimaadka iyo hortagga caabuqa bararka door wayn ka ciyaari karta”.
Sidoo kale dhakhtarka ayaa sheegay in Hanaankan bayoolojigu kaqaybqaato waxyeelooyinka dambe ee maskaxda iyo garashada nolosha saamayn kara.” Barayaasha Macadka national and Kapodistrian ee Jaamacadda Athens ee Giriiga, ayaadaraasad ku sameeyeen ku dhawaad 1,000 waayeel ah oo da’doodu u dhaxayso 70 ilaa 79 waxayna qiimeeyeen guud ahaan cuntadooda iyo awoodahooda garashada.Daraasadda, waxaa lagu ogaaday in cuntada ka hortagga bararku ay hoos u dhigto cudurka iloowsha.
Waxaa kale oo ay daraasadu cadaysay in Marka ay dadku ugu caafimaad badan ay dadku isticmaalaan ku dhawaad saddex xabbo oo khudaar iyo midho ah maalintiiba. Waxay kaloo oo todobaadkiiba Afar jeer cunaan dalaga digir ah ama noocyada kale ee masagada, waxayna qiyaas ahaan cabaan 11 koob oo kafee ama shaah ah toddobaad kasta. Ka-qaybgalayaasha daraasadda ayaa lasiiyey su’aalo-ururin cabbiraya heerka cuntadooda. Sahanka ayaa wax laga weydiiyey isticmaalka waxyaabaha caanaha laga sameeyo, khudradda,geed miroodka, hilibka, kalluunka, digirta (digircadka, Misirka iyo digirta), Subagga, cabitaannada Alkoolka, kiciyaha iyo isticmaalka mac macaanka. Cuntada jidhka kicisaa waxay ka bilaaban kartaa -8.87 ilaa 7.98. Markasta oo ay sare u kaca tiradu badato waxay tilmaamaysa in caafimaadka cuntadu uusan dheelitirnayn.Cabirka miisaanka ayaa loo qaybiyay saddex qaybood: hoose, dhexe iyo sare. Xadka ugu hooseeya waa -1.76 iyo wixii ka hooseeya.
Ka qaybqaatayaasha heerkan hoose waxay cuneen celcelis ahaan 20 xabbo oo miro ah, 19 xabbo oo khudaar ah, afar xabbo oo miro dhan ah, iyo sagaal koob oo kafee ah ama shaah ah.Taas bedelkeeda, waxay muujisay in tiro badan oo cuntooyinka ka hortagga bararka ah ay ku jiraan qaybta ugu hooseeya. Sidookale, Waxaa la sheegay in ka qayb qaatayaasha, tusmada heerka sare ay cuneen celcelis ahaan sagaal khudaarta midhaha ah, toban khudaar ah iyo laba dalaga ah. Tusmada cabbirka ugu badan wuxuu ahaa 0.21 iyo wixii ka sareeya.
Daraasaddan ayaa qaadatay in ka badan saddex sano. Gebogebadii daraasadda, ayaa qaybgalayaasha 6% laga helay cudurka dhimirka ama iloowsha. Boqolkiiba 6 dadka uu ku dhacay Xanuunka dhimirku, celceliska cuntadoodu wuxuu ahaa -0.06. Kuwa cudurka iloowshuhu laleeyay, waxay ahaayeen kuwa celceliska -0.70 ee tusmada hoose kujira.Khubarada caafimaadka ayaa sheegay in in ka badan 7 milyan oo qof oo da’doodu tahay 65 jir iyo wixii ka weyn ay qabaan xanuunnada dhimirka. Haddii xogta hadda jirta iyo xaaladaha caafimaad ee bulshadu ay sidan kusii socoto, in ka badan 9 milyan oo Maraykan ah ayuu cudurka iloowsho ku dhici doona 2030, Halka ku dhawaad 12 milyan markaykan ah uu cudurka iloowsho ku dhici karo marka la gaadho 2040. Alzheimer waa sababta ugu wayn ee iloowshaha keenta, Halka uu Alzheimerku Cudurada dilaaga ah uu Maraykanka uga jiro darada toddobaad.
Sannadkii 2019, ku dhawaad 3% dadka da’doodu u dhaxayso 70 ilaa 74 waxay qabaan dhibaatada asaasaqa. Dadka da’doodu u dhaxayso 85 ilaa 89 22% waxay qabaan Asaasaqa ama ilowshaha, dadka da’doodu tahay 90 iyo wixii ka weyn waxay 33% waxay leeyihiin cudurka ilowshaha. Dumarka ayaa aad ugu dhow inuu ku dhaco asaasaqu marka loo eego ragga. Sannadkii 2019, 11% dumarka da’doodu ka weyn tahay 70 sano ayaa laga helay asaasaqa, Halka ragga isla da’daas ah 8% laga helay asaasaqa ama ilowshaha.
Sidookale, dadka qaangaarka ah ee aan Hispanic ahayn ee caddaanka ah, waxay u muuqdaan inay ku yar yihiin xanuunka dhimirka marka loo eego jinsiyadaha kale. Sannadkii 2019, qiyaastii 8.5 boqolkiiba dadka waaweyn ee caddaanka ah ee aan Hispanic ahayn ee da’doodu tahay 70 iyo wixii ka weyn ayaa lahaa Xanuunka iloowshaha.Hase ahaatee, 16.1 boqolkiiba dadka waaweyn ee madow ee aan Hispanic ahayn iyo 16.4 boqolkiiba dadka waaweyn ee Hispanic-ga ah ayaa qaaday cudurka.
Scarmex ayaa yidhi”Natiijooyinkayagu waxay ku aaddanaayeen, si aan u ogaano oo aan cabirno qaababka cuntooyinka wax u dhimaya caafimaadka aadanaha,”. “Tani waxay gacan ka geysan doontaa in si qoto dheer loo sheego talooyinka wanaagsan ee saxda ah iyo xeeladaha kale oo kor u qaadaya caafimaadka si loo ilaaliyo caafimaadka dhimirka,” ayuu raaciyay.