Covid 19 ayaa xiligii spanishka kadib si aan lagu arag dalkq maraykanka ba’an dadka maraykanka ugaysatay.Safmarkan ayaa qaybo bulshada kamid ah dhulka lagalay.hadaba safmarka ayaa dhibaato ugaystay dadka nolashooda dhaqaale hoosayso.
Sidookale daraasaad ayaa sheegay in bulshada saboolka ah ay danyarnimo, isir iyo Covid 19 darti ay dadka tujaariinta ah labo jeer jibaar uga dhimasho badan yihiin safmarka.noocyada badanaya Ee covid iyo xakamaynta la’aanta xaalada isbadalaya ayaq xaalada uga siidaray.
Gobalada ay dadka soboolku kudhaqan yihiin ayaa dhismashada nooca Omicron ee danyartu ay 3 jeer jibaar kabadan tahay gobalada taajiriintu kudhaqan yihiin, halka Delta-na ay dhimashadu danyartu ay jeer jibaar kabadan tahay gobalada taajiriintu kudhaqan tahay.daraasaadka ayaa baadhay sababta heerka dhishadan intan le’eg deegaanada dadka nolashoodu hoosayso ugu badatay.
Warbixinta oo isbarbar dhigtay kaladuwanaanta udhaxaysa heerka adeega caafimaad ee tujaariinta iyo saboolka lasiiyo ayaa lagu sheegay in kalasarayn sare jirto. Gudoomiyaha dhaq dhaqaaqa dadka dhaqaalahoodu hooseeyo oo natiijada warbixinta door wayn kaciyaaray Mudane Wilyan Baarbar ayaa yiri “dayac iyo marmarka qaar oo ula kac saboolka Ahmiyad lasiin waayo ayaa go’aan cad ah”.isagoo intaas raaciyey “dhibaatada uu Covid-19 kuhayo bulshada saboolka iyo dadka dhaqaalahoodu hooseeyo wax qiimayn ah oo lagu sameeyey majirto”.
Sidookale Cilmi baadhayaasha ayaa qiimeeyey dhibaatooyinka kaladuwan ee sida dhimashada covid 19, gaajada, takoorka, shaqo la’aanta, waxyeelooyinka booliska iyo kuwa kale deegaanada saboolka ah lagu hayo. Cilmi baadhayaasha ayaa rumaysay inaan deegaanadan isir ahaan loo eegin, meelaha dhaqaale isku dheelitiran ubaahan aan waxay u baahan yihiin lagaadhsiin.
maareeyaha ayaa macadka cilmibaadhista sare ee xal uhelida kaabayaasha horumarinta Waarta Olayna linch ayaa yidhi “daraasadan waxaan uga hadli la’nahay waa kuwama dadka safmarkan dhintay” hase ahaate “Anagu waxaan dhihi karnaa in dhimashada gobalada saboolku kabadato gobalada taajiriinta waxay sii labo jibaaraysa murugada gobaladan” ayuu markale yidhi.
Geesta kale, xogta daraasadkan ayaa laga soo uruuriyey 3,200 oo ismaamul oo maraykanka katirsan.waxaana cilmi baadhista lagu ogaaday in 300 oo gobalada dadka saboolku kunool yihiin oo 3,200 ismaamul kamid ah ay kajirto heerka ugu sareeya ee dhimashada safmarku.Halka boqolkiiba 45% dadkani ay kahooseeyaan heerka saboolnimada.iyadoo uu celcelis ahaan dakhligooda sanadkiiba 20,000 oo doollar islamarkaana dadka gobaladan kunool ay yihiin dad isiro kaladuwan kasoojeeda. “Maadaama kadib Markii uu safmarku wadankan kuhabsaday la iska iloobay dadka hayntooda dhaqaale hoosayso iyo saboolka islamarkaana aan eegno si lagu bixinayo lacagta tiriiliyan doolarka ah, waa Anshax xumo, naxdin leh oo cadaalad darro ah” Baarber ayaa sidaas yiri.
Dhankiisa Professor Jefry Saches oo Jaamacada Collombia waxka dhiga ayaa sheegay in warbixinta daraasaadku muujinayo caqabadaha kajira cadaalada arrimaha bulshada. “dhimashada, xanuunka iyo kharash bixinta culayska safmarka ayaa danyarta, haweenka iyo dadka aan cadaanka ahayn culays wayn kuhaysa”ayuu yidhi.waxayna uhorseeday “saboolku waa shaqaalaha ugu muhiimsan America, waxayna hormuud u yihiin shaqooyinka badbaadada nolasha, hase ahaate, iyaga ayuu cudurka iyo dhimashadu haleesha” yidhi.
Baarbar oo 18kii June dadka oo dakhligoodu hooseeyo iyo hogaaminta ururada Washington kulahadlay ayaa si toos ah sidan usheegay “taariikhda dunidan ay taajiriintu wadanka sabool udhigeen waxay horseedi kartaa kor u kac hunguri xumo halka ay hunguri xumadana siyaasad lagu dhex wado” ayuu yidhi. Kacdoonkan oo loogu halgamayo sinaanta cadaalada kusalaysan ee bulshada hayntooda dhaqaale hoosayso islamarkaana 1960kii lagu soo bilaabay shirwaynihii hogaaminta koonfureed ee masiixiyiinta ayaa waxaa iskudubariday Martin luther king Junior. Sidookale hadda ayaa waxaa dhaqdhaqaaqa gudoomiye ka ah baarbar halka uu Qees liiz Tewihaaris uu gudoomiye kuxigeen kayahay. Dhaqdhaqaaqan ayaa kakooban dib uhabaynta qaxootiga, xaquuqda shaqaalaha, sinaanta guryaha iyo arrimo kale oo badan.dhaqdhaqaaqan ayaa hormuud u ahaa ololaha lagu badbaadinayey dhibaatada uu safmarku kudilay bolaalkun oo danyar ah.