Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ayaa muddo saddex sano ah sugayay in ay dib u billaabaan xafladooda sanadlaha ah, taasoo labadii sano ee la soo dhaafay ubaaqatay sababo la xiriira Covid. iyada oo xayiraadaha Covid 19 hadda la qaaday, Harada St waxaa ka buuxsamay kumanaan ka qayb galayaal ah oo si firfircoon u buuxiyey waddooyinka iyagoo xiran dharka bac waynaha buluugga ah ee dhexda leh xiddigta cad ee calanka ka tarjumaya kuleh. Bandhiga waxa ka buuxay guryo sharaxan leh, muusik, jilayaal toos ah, iyo cunto wanaagsan.
In ka badan dabaal-degga Madax-bannaanida Soomaalida, Bandhiga ayaa waxaa lagu dabaal dagayey bartamaha Lake St ee Minneapolis, iyadoo loogu soo bandhigay taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida. In ka badan 10 sano ayaa reer Minnesota waxa ay isugu soo baxeen dabaaldaga maalinta 1-da Luulyo oo ah maalintii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay Talyaaniga/England sanadkii 1960-kii. isla usbuucan. Minneapolis waxa ay martigelisay in ka badan 40,000 oo ka soo qayb galeyaasha xaflada ah kuwaas oo ay ku jiraan fanka, suugaanta, muusiga, wacyigelinta caafimaadka, ka qayb qaadashada bulshada, hal abuurka ganacsiga, iyo kuwo kale oo badan.
Iyadoo dabaal degga madax-bannaanida munaasabaddan markii hore ay maraykanka ka bilaabatay, ayey hadda xaflado waaweyn oo ka qaybgalayaasha dhammaan soo jiidatay dhammaan Maraykanka, iyo sidoo kale Kanada, iyo wadamo badan oo Yurub ah kasocdan.
Waxay ahayd laba sano,” ayuu yiri Maxamed Faarax, maareeyaha guud ee hay’ada “Ka Joog, oo ah hay’ad Samo fal ah oo fadhigeedu yahay Minneapolis oo xafladda bandhiga martigelisay. “Waan ku faraxsanahay inaan mar kale arko dhaqanka firfircoon iyo dhammaan bandhigyada.” dhanka midig ee harada St, waxaa joigay dhaliyaro Biid ah, oo Muujinaya dhalinyarada sida ay noloshu ugu xidhan tahay awoowayaashoodii hore.
Kasokow isku xirka Soomaalida Mareykanka ee dhaqankooda ku aaddan, Faarax waxa uu sidoo kale bandhigga u isticmaalay sidii uu dhalinyarada uga qeyb gelin lahaa isku xirka, waxbarashada, iyo hal-abuurka ganacsiga, taas oo ah diiradda hay’ada Ka Joog. “Mawduuca [Xaflada] waa waxbarashada iyo dhisida xiriirka bulshada,” ayuu yiri Faarax.
Dhalinyaradaas waxaa ka mid ahaa Muniira Yuusuf, oo 24 jir ah, oo gacan ka geysatay abaabulka toddobaadka Soomaalida. “Runtii waa dhacdo xiiso leh oo cajiib ah,” ayay tiri. Iyadoo ay sidoo kale ku shaqeyso hawlaha dhaqtarnimada caafimaadka dhimirka, waxay si isku mid ah uga hesha ka shaqaynta Ka Joog iyo abaabulka Isbuuca Soomaalida. “Waan taageersanahay waana jecelnahay bulshadeena.Waana mudnaanteena.”
Halka diiradda ugu weyn ee bandhigu yahay dhalinyarada, waxay sidoo kale xafladu ku wajahan nayd dadka aan Soomaalida ahayn si ay si fiican ugu fahmaan dhaqanka. Faarax wuxuu leeyahay waa in dabaal-deggu uu ahaado mid loo wada dhan yahay. “Waxa aan u dabbaaldegeyno [Soomaali ahaan] waa in ay u dabaaldegaan dhammaan reer Minnesota kaqayb gelino. Sanadihii hore, dad ka soo kala jeeda qowmiyado kala duwan iyo jinsiyado kala duwan ayaa ka soo qayb galay dabaal degga todobaadka soomaalida.
Maadaama dadka aan Soomaalida ahayn ay kahelaan xafladaha dhaqanka, Faarax wuxuu rabaa inay arkaan saameynta ay Soomaalidu ku yeesheen islamarkaana la sii wado saamayn abuurista dhaqamada kala duwan ee Minnesota. Wuxuuna sheegay in Soomaalidu ay hadda ku milmeen dhinac walba oo bulshada ah sida siyaasadda, booliska, waxbarashada iyo arrimo kale., “hadda Waxaan sidoo kale nahay reer Minnesota,” ayuu yidhi.
Intii ay xafladda socotay waxaa socday heeso dhaqameed fara badan, ayaa markii la tumay heesta calanka K’NAAN ee loo yaqaan Wavin’ Flag, waxaa si wayn looga dareemayay harada St.
Marka laga soo tago damaashaadka qoyska iyo asxaabta, waxaa dabaal degga ka soo qeyb galay Masuuliyiin badan oo magac leh, oo ay kamid yihiin Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, danjire Larry Andre Jr. iyo Ilhaan Cumar, oo Congresska katirsan iyo kuwo kale.
Waa markii ugu horeysay oo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya uu ka soo qeyb galo todobaadka Somalida. Andre ayaa dhawaan bishii February
la magacaabay, isagoo u ahaan jiran safiirkii hore ee Jabuuti. Wuxuu ka hadlay sida qurbajoogta Soomaaliyeed ay uga qaybqaateen dhisidda Soomaali firfircoon – iyo sida ay uga qayb qaateen wax ku biirinta Minnesota weyn.
“Ma nihin safiirada kaliya ee halkan jooga,” Andre ayaa yidhi. “Waan arkaa dhammaan safiirradan,” ayuu yidhi, markii uu farta ku fiiqay dadkii badnaa ee xaflada. Wuxuu ku ammaanay dadkii isugu yimid “sida wanaagsan ee ay dhaqanka Soomaalida ay Mareykanka u keeneen .”
Gudoomiye ku xigeen Peggy Flanagan, oo isna bandhiga ka soo qayb galay oo ku nuuxnuuxsaday dareenkiisa sare ee ku aaddan sida ay Soomaalidu meel walba u joogaan iyo waxtarka ay u leeyihiin gobolka Minnesota. “Maanta, maadaama aan u dabaaldegeyno jaaliyad ahaan, aad ayey iigu caddahay aniga iyo guddoomiye Walz in Minnesota ay noqoto meel wanaagsan bulshada Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah,” ayuu yiri Flanagan. “Hadii aan u dabbaaldegeyno maalinta xorriyadda Soomaaliya, waxaan sidoo kale u dabaaldegaynaa dimuqraadiyadda, waxaana munaasab ah la in aan dhammaanteen u soo bandhigno una dagaalano waxa ay bulshadu u qalanto .”
Laakin intaas kuma ekaan. Ilhaan Cumar ayaa muuqaalkeeda kaga yaabisay dadkii goobta isugu yimid, iyadoo si weyn masraxa ugula soo booday heestii caanka ee ahayd
Maanta Maanta. Mana aysan ka xishoon inay soo bandhigto dhoor dhaq-dhaqaaq oo qoob ka ciyaar ah iyadoo ku ciyaaraysa calanka Soomaaliya oo garbaheeda babanayey ka hor inta aysan qaadan makarafoonka. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado si aan qayb uga noqdo dabbaaldegga,” Cumar ayaa tidhi. “Isku soo dhawaada.Maanta waa maalin farxadeed.”
Cumar ayaa ka warantay dadaalkii ay ku bixisay Washington ee ahaa in gargaar dhaqaale la gaarsiiyo Bariga Afrika, iyo sidoo kale abaaraha ka jira Soomaaliya. Waxa ay ku boorisay dadka in ay u gurmadaan sidii Soomaaliya looga samata bixin lahaa abaartii ugu darneyd ee muddo 40 sano ah soo marta.
iyadoo guud ahaan todobaadka Soomaaliyeed uu socdo muddo todobaad ah, ayaa sanadkan waxaa lagu daray hal maalin oo ku beegan 17-ka Luulyo, Halka munaasabadda si ku meel gaar ah loo soo gaba gabeeyay 6-dii Luulyo, ayaa waxaa dib loo bilaabay 17-kii Luulyo oo uu socday shir hal maalin ah oo looga hadlayay horumarinta. Dadkii u hadlay ururo kaladuwan ayaa dhalinyarada ku dhiiragelinayey in isku hawlaan hal-abuurka shaqooyinka iyo dhisidda xidhiidhada.
Ka Joog waxaa la aas-aasay ama bilaabmay 2007 iyadoo ah urur horumarinta dhalinyarada kashaqeeya. Waxay bixisaa latalin, horumarinta latalinta, hagitaan, iyo waxyaabo kale. Sannadkii 2012, waxa ay qaaday mas’uuliyadda martigelinta toddobaadka dhaqanka Soomaalida, kaas oo ay bilaabeen xubnaha yar oo Jaaliyada ah. Laakin Ka Joog waxa ay hadda ballaarisay gaarideeda si ay u dhigto bandhig dhaqameed kala duwan oo ay ku jiraan kuwa aan Soomaalida ahayn iyo qaar kale oo badan. Hadda waxay leedahay kafaala-qaadayaal badan oo ka socda shirkadaha sida Amazon, Coca-Cola, iyo United Health. Iyadoo balaadhanaysa hadda Marka loo eego, Isbuuca Soomaaligu waa dabbaaldegga ugu weyn ee Soomaalida Waqooyiga Ameerika.