Horn Magazine
Thursday, May 15, 2025
  • Home
  • National
  • World
  • Finance
  • Community News
  • Education
  • Sports
  • Health
No Result
View All Result
  • Home
  • National
  • World
  • Finance
  • Community News
  • Education
  • Sports
  • Health
No Result
View All Result
Horn Magazine
No Result
View All Result

Home » Aadaan-baaqa Salaada ee Muslimiinta oo Minneapolis sharci ka noqotay!

Aadaan-baaqa Salaada ee Muslimiinta oo Minneapolis sharci ka noqotay!

July 28, 2022
in Madadaalo
2 min read
Adhan አዛን
ShareSharePin

Magaaladan oo kudhextaala inkabadan toban kun ee aysan Hawada Barafka iyo qabawga ah dadkeeda shaqooyinka kahorjoogsan ee aan goobaha kulaylka cadceeda kudhiban ee Carabta ku ekayn ayaa Arrin Cajiib ah heshay.

Jidadka waaweyn ee Minneapolis ayaa waxaa Hadda Hadh iyo  Hadda ka bilaabatay Aadaanka oo ah uyeedhista Salaada ee Muslimiinta oo Hadda kahor wadamada carabta looga bartay.

Shirkii golaha deegaanka Minneapolis ee bishii hore, duqa magaalada Jacob Frey wuxuu oggolaaday in yeeriitaanka salaadda lagu dhawaaqo sameecado. Maayarku waxa kale oo uu sheegay “Aadaanku wuxuu  keenaa wada jir iyo nasteexo”. ayuu yidhi. Sanadkan markii ugu horeysay ayaa bishii Ramadaan ayaa Aadaan lagu sameeyay cod baahiye, balse ma ahan baaqii ugu horeeyay ee Aadaan lagu sameeyo cod baahiye.

Saddex sano ka hor, ayuu maayarku oggolaaday in aadaan lagu dhawaaqo sameecado bisha Ramadaanka.iyadoo duuqa magaaladu uu fasaxay in masaajidka Daaral-Hijrah ee aagga ay muslimiinta ku badan yihiin ee Cedar Riverside ee Minneapolis in muslimiinta salaadda loogu yeedho  cod baahiyeyaal inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Jamaal Cusmaan oo dhawaan ka mid noqon doona golaha xukuumada ee magaaladaas oo u warramayay wargeyska Horn magazine, ayaa sheegay inuu si cad u xasuusan yahay maalintii uu markii ugu horraysay jidka ka maqlay dhawaaqa salaadda.  “Waxa uu ahayd mid aad u qiiro badan.”  ayuu yidhi.

Magaalada waxaa ku nool celcelis ahaan in ka badan 100 kun oo Muslimiin ah, waxayna Muslimiintu kunool yihiin gees walba oo magaalada ah.  Cusmaan markii uu xilka la wareegay bishii Ogosto 2020 si uu uga mid noqdo golaha deegaanka ee xukuumada ee degmad 6aad, waxa uu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii aadaanka loogu ogolaan lahaa magaalada sanadka oo dhan.

Mudo ka yar laba sano ayaa waxaa magaalada ka bilowday baaqa salaada.Cismaan wuxuu la shaqeeyay duqa magaalada iyo qareennada magaalada si loo helo baaqa salaadda ee sanadka oo dhan.

Cusmaan waxa uu Qabyo-qoraalka ka dib,uu la horgeeyay golaha wasiirada, waxaana laga dhigay inay si qarsoodi ah u codeeyaaan 13 xubnood oo ka tirsan golaha xukuumada ee magaalada.cismaan wuxuu sheegay in aysan jirin wax mamnuuci kara aadaanka. “Waad ku mahadsan tihiin inaad  Aadaanka Minneapolis sharci ka dhigtaan” Cismaan ayaa yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas raaciyey “Aadaanku waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan diinteeenna. In laga maqlo magaalada inta lagu jiro xiliga maalinta ah ayaa lasameeyey, sidoo kale waxaa lagu daray sharciga magaalada.”  ayuu yidhi.

Cusmaan ayaa intaas kudadaray, garaaca gambaleelka kaniisada wuu banaan yahay, sidoo kale aadaankuna wuu banaan yahay. Si kastaba ha ahaatee,aadaanka waa in la aadaamo ka hor hal saac oo subaxnimo, afar saac oo fiidkii ka dibna lajoojiyo sida uu qabo Xeerka bandawga magaaladu. “Waa in la ogaadaa in aan si hufan u ilaalinayno sharciga.”  ayuu yidhi.

Minneapolis waxay noqotay magaaladii saddexaad ee ogolaata Aadaanka, ee kusoo xigtay Dearborn, Michigan iyo Paterson, New Jersey.  Si kastaba ha ahaatee, codayntu waxay ahayd mid ka adag tii Paterson, halkaas oo ay cod 5 ku 4 ah kuheshay islamarkaana meesha ka saartay bayaanka rabshada Qaylada ee magaalada una Fasaxday in aadaanka la ogolaado.Halka Codaynta Minneapolis Aaddaanka Cod buuxa lagu ogolaaday.

13-ka xubnood ee golaha deegaanka ee Minneapolis, waxay ka kala yimaadeen meelo kala duwan. 7 xubnood waxay yimideen colardo, todobona waa dumar saddexna waa muslimiin.  Xildhibaanadan ayaa albaabada u furay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Arintan ayaa u muuqata mid albaabada u furtay in doorashadu si qarsoodi ah u dhacdo.

Related Posts

Somali Week Kicked Off Day 1 with High Profile Names
Madadaalo

Bandhiga Todobaadka Somalida Oo dib ugu Soo Laabtay Harada St Hiatus Saddex Sano Ka Dib

July 27, 2022

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

POPULAR POST

No Content Available
Load More

RECENT POST

Jamal Osman Seeks Minneapolis City Council Re-Election

Jamal Osman Seeks Minneapolis City Council Re-Election

March 8, 2023
Ethiopian

New Direct Flights from Atlanta to Ethiopia

January 25, 2023
Zaynab Mohamed Sworn into the Minnesota Senate

Zaynab Mohamed Sworn into the Minnesota Senate

January 6, 2023
Last African Nation Standing in the World Cup Falls to France

Last African Nation Standing in the World Cup Falls to France

December 19, 2022
Cameroon Defeats Brazil but Fail to Qualify for the Next Round

Cameroon Defeats Brazil but Fail to Qualify for the Next Round

December 13, 2022
Horn Magazine

The Horn Magazine is a U.S. based, online magazine that serves to provide meaningful articles on a variety of subjects that impact your daily lives.

Contact info@hornmagazine.com

CATEGORIES

English                Amharic                 Somali 
National                ብሔራዊ                    Qaran
World                     ዓለም                      Adduunka
Sports                    ስፖርት                   Ciyaaraha
Finance                  ፋይናንስ                 Maaliyadda
Health                    ጤና                       Caafimaadka
Education              ትምህርት                Waxbarasho
Entertainment      መዝናኛ                   Madadaalo

SUBSCRIBE NEWSLETTER

Loading
  • About
  • Advertise
  • Privacy & Policy
  • Contact

© 2021 Horn Magazine

No Result
View All Result
  • Home
  • National
  • World
  • Finance
  • Community News
  • Education
  • Sports
  • Health

© 2021 Horn Magazine